Somaliland: Xisbiyada Ucid iyo Waddani oo isbahaysi cusub sameystay

Published: June 6, 2021

Xisbiyada Mucaaradka Waddani iyo Ucid ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ku ku doonayaan in ay ku hantaan hoggaaminta Golaha Wakiillada iyo deegaanka ee maamulka Somaliland.

Hogaamiyayaasha Xisbiyadan oo magaalada Hargaysa ku qabtay shir wadajir ah ayaa sheegay in doorashadii Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ay abuurtay rajo ku aadan hanashada Hogaanka Golaha Wakiilada Somaliland iyo deegaanka maadama ay natiijo wanaagsan kasoo hoyeen doorashada.

Doorashadii Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland ayaa Xisbiyada Mucaaradka u horseeday in ay gacanta ku dhigaan Aqlabiyadda Golaha Wakiilada Baarlamaanka Somaliland iyo Goleyaasha Deegaanada magaalooyinka waa weyn sida magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeed kasoo baxay labada xisbi

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *