Xukuumadda oo sheegtay in Guddiyada Doorashada laga saaray Xubnihii la tuhunsanaa ee muranka dhaliyay

Published: June 6, 2021

Guddiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu u xilsaaray kasoo talabixinta Gudiyada Doorashooyinka heer federaal ayaa xalay shaaciyay in 34 xubnood oo ka tirsan Gudiyada hirgelinta Doorashooyinka dalka laga saaray Gudiyada.

Go’aankan ayaa imaanaysa iyadoo horey musharixiinta xilka Madaxweyne ay horey u soo gudbiyeen liiska xubnaha cabashada laga qabo kuwaasoo ay tuhmeen in ay kamid yihiin Shaqaalaha ,Ciidanka iyo taageerayaasha dowladda.

Wasiiro Gudigan o xalay shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay baaritaan ay sameeyeen kadib xubnaha ay ku cadaatay eedeynta horey loogu jeediyay intaas kadibna ay go’aansadeen in laga saaro gudiyada Doorashooyinka.

Waxa ay sheegeen Guddiga in 48 saacadood gudahood ah lagu soo magacaabayo xubnihii badali lahaa 34 ta xubnood ee guddiyada Doorashada laga saaray.

Dhawaan ayeey aheyd markii Midowga Musharaxiinta ay Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyeen Liiska ilaa 67 qof oo ah kuwa tuhun la geliyay dhexdhexaadnimada Doorashada kuwaasoo ka tirsan Shaqaalaha dowladda ,Ciidanka iyo Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *