Dadkii ku dhaawacmay duqeymaha Kenya ay ka geystay Gedo oo la gaarsiiyay Muqdisho

Published: June 7, 2021

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay duqeymo ay dhawaan Ciidanka Kenya ka geysteen deegaano katirsan gobolka Gedo ayaa la gaarsiiyay magaalada Muqdisho si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Dadka ku dhaawacmay duqeymaha ayaa waxaa kamid ah caruur xaaladoodu ay aad u liidato maadama ay dhaawacyadu kasoo gaareen Madaxa iyo xubnaha muhiimka ee jirka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Aadan Gurey oo shalay garoonka Aaden Cadde kusoo dhaweeyay diyaarad siday dhaawacyada ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay talaabadda Ciidanka Kenya ku beegsadeen shacab aan waxba galabsan.

Wasiir Gurey ayaa xusay in Kenya aay marmarsiyo ka dhiganayso magaca howlgalka AMISOM iyadoo bartilmaameedsanaysa dadka rayidka ah, waxa uu sheegay in arintaasi lagula xisaabtami doono.

Jimcihii aynu soo dhaafnayay ayay ahayd markii diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo sida deegaanka Ceelcadde ,duqeyntaas oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad rayid ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *