Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka Carabta

Published: June 7, 2021

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Sanadihii ugu dambeeyay xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku yimid gaabis badan iyadoo khilaaf dibloamasiyadeed uu u dhexeeyay labada dowladood ,waxaana muuqata in xiligan uu soo hagaagayo xiriirka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *