Faahfaahino kasoo baxaya Qarax miino oo ka dhacay deegaanka Jaziira

Published: June 8, 2021

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Deegaanka Jaziira Xuseen Jilicow Aadan ayaa sheegay in uu qaraxani ku dhintay askari ka mid ah kuwa ilaalada ka ah bar-koontarool oo laga galo xeebta Deegaanka Jaziira.

Xuseen Jilicow ayaa xusay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu  aaso oo la geliyay meel u dhaw koontaroolka ciidanka, waxaana uu intaa ku daray in howlgallo ay ciidamada sameeyen gacanta lagu soo dhigay labo qof oo lala xiriirinayo falkaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

Qaraxyada nooca dhulka lagu aaso ayaa mudooyinkii dambe aad ugu soo badanayay magaalada Muqdisho iyadoo ay yaraadeen qaraxyada iyo dilal toogashada ay geysanayaan Ururka Alshabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *