Gudiga Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo deeq lacageed lagu wareejiyay

Published: June 8, 2021

Wadada ceeldaahir Ceerigaabo oo ah waddo hablowle u ah isku socodka bulshada Puntland gaar ahaan gobolada Bari iyo Sanaag ayaa waxaa weli socda dhismeheeda iyadoo ay isasoo tarayaan deeqaha ay bixiyaan beelaha gobolka sanaag si loo dhameystiro waddadan oo ah ahmiyad badan u leh isku socodka bulshada Puntland.

Gudiga dhismaha Wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo ayaa gudoomay lacag dhan 50 kun oo dollar oo ay iska soo uruuriyeen qurba joogta iyo bulshada Beesha Reer Faatax oo kamid ah Beelaha Warsangeli si loo dardargeliyo dhismaha wadadan oo hada meel wanaagsan maraysa.

Munaasabad lagu gudoomayay deeqdan lacageed ayaa ka dhacday deegaanka Ceeldaahir waxaana ka qeybgalay Masuuliyiinta Gudiga ,Waxgarad,Nabadoono,iyo Maamulka deegaanka Ceeldaahir iyo kan degmada Badhan.

Xubno kamid ah gudiga dhismaha wadada ceeldaahir ceerigaabo iyo masuuliyiin kale oo munaasabada ka hadlay ayaa Beesha lacagtan ku deeqday uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadanayaan dhismaha wadada oo xiligan daamur la saarayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *