Milatariga Soomaaliya oo Howlgalo ka dhan ah Alshabaab kawada deegaano ka tirsan Hirshabeelle

Published: June 9, 2021

Howlgalo ka dhan ah Alshabaab ayaa ka socda deegaano hoostagga degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan

Ciidanka xooggga dalka Qeybta 27-aad ayaa howlgaladan oo ah kuwo ballaaran kawada deegaano ay kamid yihiin Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale ilaa Yasooman, kuwaas oo dhammaantood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya Howlgalka ayaa sheegaya in howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgal si guud uu ciidanka xoogga ay uga wadaan Hirshabeelle kaas oo maleeshiyada Al-shabaab looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan sida uu sheegay.

General Tareedisho ayaa sheegay in Ciidanka ay guulo waa weyn ka gaareen howlgalada isago tilmaamay in saacadaha soo socda lasoo bandhigi doono guulaha Ciidanka ay gaareen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *