Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Magacaabay Guddiga Farsamo ee Arimaha Doorashooyinka

Published: June 9, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi Sare oo Farsamo kaasoo ka taageeraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha arrimaha doorashooyinka.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa isku xiraya dhammaan howlaha doorashooyinka ee hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh.

Sidoo kale Guddigan ayaa shaqada uu qaban doono waxaa kamid ah isku xirka Beesha Caalamka iyo Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka,iyadoo Guddigan uu noqon doono mid laga helo xogaha isdhaafsiga Arimaha habsami u socodka Doorashooyinka.

Hoos ka akhriso Magacyada 7-da Xubnood ee Guddigan.

1-Abdkadir Elmi Ali.
2-Avv Omar Mohamed Abdulle.
3-Fatumo Abdi Ali.
4-Mohamoud Mohamed Roble.
5-Laila Abdikarin Mohamed.
6-Liban Rabile Good.
7-Abdulahi Hashi Hussein

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *