Midowga Musharixiinta oo War kasoo saaray Howlaha Turxaanbixinta Gudiyada Doorashooyinka

Published: June 10, 2021

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay Natiijooyinkii hordhaca ah ee kasoo baxay howlaha lagu kala shaandheynayo xubnaha dacwada laga keenay ee ku jiray guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedyada.

Midowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in howlaha Guddiga loo madax baneeyo si ay si daahfuran oo Madax banaan ay u soo bandhigaan habraaca iyo hanaanka lagu kala hufayo Xubnaha la tuhmanayaasha ah ee Guddiyada Doorashooyinka si uga miradhaliyaan howlaha loo igdmaday.

Magacaabista Guddiyada Doorashooyinka ayay dalbadeen in la mariyo hanaankii lagu heshiiyay ee Doorashooyinka iyadoo laga taxadarayo in markale ay xubnaha Guddiyada kamid noqdaan shaqaale dowladeed, Askar iyo taageerayaal.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Midowga

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *