Puntland oo soo bandhigtay dhalinyaro tababarka loogu qaaday Eritrea

Published: June 10, 2021

Dowladda Puntland ayaa soo bandhigtay shan dhalinyaro ah oo la xaqiijiyay in ay kamid ahaayeen dhalinyaradii Tababarka Ciidan ay dowladda Federaalka ugu qaaday dalka Eritrea.

Dhalinyaradan oo lagu soo bandhigay xarunta Wasaaradda Amniga Puntland ayaa gaaraya shan ruux waxaana ay sheegeen in ay kasoo baxsadeen xeryihii lagu tababarayay gudaha dalka Eritrea ayna markii hore dowladda Federaalka sifo khaldan tababar ugu qaaday wadankaaasi.

Mid kamid ah dhalinyarada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hab been ah markii hore loogu qanciyay in tababar loogu qaadayo wadanka Qadar hase ahaatee ay dowladda Federaalka qaab khiyaano ah u geysay wadanka Eritrea.

Dhalinyaradan kasoo cararay Xeryihii Tababarka Eritrea ayaa kamid ah noqonaya dhalinyaro ay dowladda Federaalka sanado kahor si khasab ah tababar Ciidan ugu qaaday Eritrea waxaana soo laabashadooda ay kusoo beegmaysaa xili ay dowladda wakhtigeedu idlaaday ay wajahayso dhaleeceyn caalami ah oo la xiriirta dhalinyaradan sifaha Ciidan loo qaaday.


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *