Maxay kawada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan

Published: June 12, 2021

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa si weyn diirada loogu saaray howlaha doorashooyinka ee socda ee Ra’isul Wasaaruhu hoggaaminayo, dhammeystirka guddiyada doorashooyinka iyada oo Ra’isul Wasaaruhu sheegay in dhankiisa ay ka go’an tahay in waqtiga aan dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dhammaan ay gacan ka geystaan dardargalintooda.

Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay waxa goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaruhu, kuwaas oo ka shaqeyn doono arrimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare Rooble iyo James Swan ayaa ka wada hadlay sida la isaga kaashan karo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka deegaanada Hirshabelle oo uu Ra’isul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah kaalmo lala gaaro dadka tuulooyinka ay barakaciyeen daadadka Wabiga Shabeelle

Qodobada kale ee si weyn looga hadlay waxa ka mid ahaa Amniga, cadaaladda iyo cudurka corono virus iyo sidii loo dardar gelin lahaa tallaalka Covid-19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *