Boosaaso: Ciidamada Booliska Oo Gubay Dhalooyin Khamri ah

Published: June 13, 2021

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan waxaana xukuno ku riday maxkamada darajada 1aad, goob joogna waxaa ka ahaa taliyaha qeybta booliska gobalka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, Ku-simaha gudoomiyaha Maxkamada iyo xeer ilaalinta.

Ciidamada amaanka oo howlgalo ka sameeyey baraha Kantarool ee magaalada Boosaaso ayaa khamrigan gacanta ku dhigay xili loo wadey gudaha magaalada kadib markii lagu soo qariyey Karaatiin si aysan ciidamada u moodin khamri balse ay ku guulaysteen Booliska oo marwaba feejignaan ku jira.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa boggaadiyay shaqada ay qabteen ciidanka boliiska magaalada Magaalada Bosaaso waxana uu fariin u diray kuwa caadeestay soogalinta khamriga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *