Duulimaadyadii Kenya Iyo Soomaaliya Oo Dib Loo Fasaxay

Published: June 13, 2021

Duulimaadyadii diyaaradaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa si toos ah u bilowday maanta oo Axad ah, kadib markii ay muddo bil ah hakad ku jireen.

Dowladda Kenya ayaa bishii lasoo dhaafay ee 5aad 2021 shaacisay inay qaaday xayiraaddii ay kusoo rogtay duulimaadyadii diyaaradaha ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in maanta diyaaradaha ka duula Muqdisho ay gaaraan Nairobi.

Inta uu hakadka ku jiray duulimaadyadii tooska ahaa ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa saameyn xoog leh uu ku yeeshay dadka u socdaala labada dal, waxaana qiimo koror uu ku yimid lacagta lagu raaco diyaaradaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *