Faahfaahin: Dabkii Qabsaday Suuqa Magaalada Boosaaso (SAWIRO)

Published: June 14, 2021

Suuqa weyn ee magaalada Boosaaso ayuu xalay qabsaday dab xoogan kaas oo ka dhashay taawarka ama baalayaasha korontada, balse maamulka iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay inay damiyaan.

Lama oga khasaaraha dhabta ah balse sida ay wararku sheegayaan ilaa iyo hadda ma jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashey dabkan, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa inuu khasaare u geystay ilaa dhowr dhisme oo ay ku yaalleen carwooyin iyo xarumo kale oo ganacsi.

Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdisamad Abwaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan shirkadaha korontada, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay dayaceen xargaha korontada.

” Waa balan in aanu wax ka qabano dayaca suuqa ka jira ee ah wado la’aanta iyo xarkaha korontada ee dayacan, shirkadaha si gaar ah ayaa ula xisaabtami doonaa..”

Guddoomiye Cabdisamad

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *