Madaxweynaha Puntland Oo La Shiray Wafdi Ka Socda Laanqayrta Cas

Published: June 14, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa Hay’addaas u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland Tim filip ros ayna ka mid yihiin isku-uduwaha amaanka Goobaha shaqada iyo Maaraynta dhibaatooyinka ee Soomaaliya Mr Cyril Juarena iyo madaxa Xafiiska Hayádda ICRC ee Puntland Mr Axmed Siciid.

Madaxweyne Deni ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *