Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Puntland Oo Dil Ku Xukuntay 15 Ruux

Published: June 14, 2021

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ku riday rag ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo dilal iyo weeraro ka fuliyay magaalada Gaalkacyo.

Raggan oo gaaraya ilaa 18 ruux ayaa 17 kamid ah lagu xukumay dil toogasho ah, halka kan kalana lagu xukumay xabsi daa’in, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, Sareeyo Guuto Maxamuud Cabdi Maxamed.

Eedeysanayaashan ayaa loo haystaa Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland iney ku laayeen dad gaaraya illaa iyo saddex boqol oo ruux, kuwaas oo isugu jirey Mas’uuliyiin, Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah.

Asbuucyadii la soo dhaafay ayaa maxkamaddu u fadhidey dhegeysiga xukunka Racfaan qaadashada Maxkamaddii Ciidamada ee gobolada Mudug iyo Cayn oo horey ugu xukuntay dil toogasho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *