Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Booqday Jiidaha Hore Ee Difaaca Jubbaland

Published: June 14, 2021

Wasiirka Amniga Dawlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaaladda iyo habsami u socodka howlaha difaaca ku tagay deegaannada Buula Guduud iyo Baar Saanguuni halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka.

Wasiirku wuxuu halkaa kulamo is xog waraysi ah kula yeeshay saraakiisha iyo ciidammada ku sugan jiidda hore una heellan difaaca dhiiga, hantida iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu Wasiir Dhuumaal ciidamada uga mahadceliyay dhabar adayga iyo daacadnimada ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo isaga oo ballan qaaday in socdaalkiisan uusan ahayn mid mar kaliya ku kooban balse uu si joogto ah ula socon doono si shakhsi ahna mar walba uga war hayn doono xaaladaha ciidamada qaybohooda kala duwan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *