Madaxweyne Deni Oo Furay Kalfadhiga 48aad Ee Golaha Wakiilada Puntland

Published: June 15, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad, wuxuu maanta furay Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Baarlamaanka, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Marti sharaf kale.

Hadaljeedintiisa Dastuuriga ah wuxuu Madaxweynuhu Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka guuleystay ee laga sameeyay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda Puntland, arrimaha bulshada, Kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta degmooyinka iyo Doorka Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo Doorashada Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *