Maxay Ka Wada Hadleen Raysal Wasaare Rooble Iyo Safiirka Qatar

Published: June 15, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Raysal Wasaare Rooble ayaa Safiirka Qatar u sheegay in dowladda Federaalka ka go’an tahay in dalka ay qabsoonto doorasho heshiis lagu wada yahay, isla markaana ay wadaan dardar-gelinta fulinta heshiiskii la gaaray.

Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa, isagoona xusay inay sii wadani doonaan taageerada ay siiyaan dowladda.

Dowladda Qatar iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan, waxaana Qatar ay mashaariicda horumarineed ka fulineysaa gudaha dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *