RW Rooble Oo Booqday Dhalinyaradii Qaraxa Lagula Eegtay Xerada Jen. Dhaga-badan

Published: June 15, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii shalay lala beegsaday dhallinyaro dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka.

Raysal Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhallinyarada, waxaana xaaladdooda uga warbixiyey dhakhaatiirta dabiibaysa, isaguna wuxuu xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Rooble ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyay dhalinyaradan xilli ay safaf ugu jireen in loo qoro ciidan, kuwaas oo joogay dibada xerada Gen Dhego badan oo ku taala degmada Wadajir, waxaana masuuliyada weerarkaasi sheegatay Alshabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *