Farmaajo oo lagu wado in uu amba baxo Turkiga

Published: June 17, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in uu amba baxo magaalada Antalya ee wadanka Turkiga.

Socdaalka Farmaajo ee Antalya ayaa la sheegay in uu la xiriiro ka qeybgalka shirka Madashada Diblomaasiyadda oo ka dhacaya magaaladaasi ayna ka qeybgali doonaan Madax heer caalami ah.

Shirka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ayaa ah shir heer Wasiiro arimaha dibadeed balse waxaa lagu casuumay ka qeybgalkiisa Madax dowli ah iyo kuwo aan dowli ahayn.

Qodobada diiradda lagu saari doono shirkan ayaa waxaa kamid ah xalinta dhibaatooyinka ka jira dunida, muddada uu socon doono ayaa ah 18 june iyo ilaa 20 ka June.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *