Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Gaaray Turkiga

Published: June 18, 2021

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee dalkaTurkiga.

Xubnaha wafdiga waxaa kamid Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Istanbul.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka qeybqaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Istanbul, Ganacsato, haween, Dhallinyaro iyo qeybaha bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *