Ardayda Soomaaliland Oo U Fariistay Imtixaanka Dugsiyada Dhexe Iyo Sare

Published: June 19, 2021

Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe iyo Sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 19-ka Jun 2021 si rasmi ah uga bilowday deegaanada Maamulkaas.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Somaliland ayaa sheegay in sanadkaan Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe iyo Sare ay u fariisteen 46 kun oo Arday oo dhammeeysatay Waxbarashada fasalada 8-aad iyo Dugsiga sare.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax in Imtixaanaadka lagu galayo dhammaan magalaooyinka Somaliland, isla markaana uu si nabad ah u bilowday, isagoona arday guul u rajeeyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray in sannadkan ardayda welwel badan ka haysto gelista imtixaanka, taas oo uu sabab uga dhigay in ay wax ku soo marteen xilli adag ka jiray Cudurka COVID-19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *