Boqor Burhaan: “Ma aqbalayno in la joojiyo gudniinka Suniga” – VIDEO

Published: June 19, 2021

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa si kulul uga hadlay xeerka joojinta gudniinka gabdhaha oo ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada Puntland.

Boqorka ayaa sheegay inay talaabadani tahay mid aan laga aamusi karin, dhaawacna u geysanaysa diinta islaamka, isla markaana cidna uga habaysan doonin wax walba oo khilaafaya diinta.

” Anagu mujtamaca iyo umadda wixii wanaageeda ah oo diinteeda ay ku badbaadi kadho, cidna uga haybaysan mayno diyaar baanu u nahay af iyo addinba inaanu kaga hornimaadno, mana aqbalayno “.

Boqorka ayaa intaas ku daray xukuumada Puntland inaysan isku mashquulin wax aanan u suurtagalayn maadaama sharcigani lid ku yahay qanuunkii ilaahey.

” Waxaa laga hortagay oo waqti badan la geliyey gudniinkii fircowniga ahaa waxay ahayd arrin culimo iyo maamul iyo dowlado kuliba la iska kaashaday, in hadana loosoo gudbo sunigii iyo arrinkii ilaahey weyne ahaa iyo rasuulkiisa, waa wax aan soconayn. Waxaa idinka maamul ahaan wax idiinka soconaynna inaad wakhti badan ku lumisaan maaha…”

Sidoo kale Boqor Burhaan ayaa golaha wakiilada Puntland ugu baaqay inay laalaan sharcigan, wuxuuna ugu danbayn boqorku u mahadceliyey culimada Puntland oo cambaareeyey talaabadan.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Somaliya gudniin suni ahi maka jiraa? Waxa dowladu mamnuucdayna waxaan u haystaa inuu yahay midka fircooniga ah, wayna ku saxsan tahay in kaas la joojiyo.