Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Safiirka Cusub Ee Itoobiya – VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Labada masuul ayaa si wadajir ah uga hadlay kulankooda, waxayna faahfaahin ka bixiyeen waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Hoos ka daawo:

Horseed Media