Madaxweyne Deni Oo Soo Saaray Amar ah ku dhaqanka Af-Soomaaliga

Published: June 22, 2021

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda dhamaan golihiisa wasiirada, hay’addaha kala duwan ee madaxa banaan, guddoomiyeyaasha gobolada iyo kuwa degmooyinka Puntland.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa hay’addaha Puntland lagu faray inay si buuxda u dhaqan-geliyaan adeegsiga afka Soomaaliga, isla markaana loo isticmaalo qoraalada loo gudbinayo bulshada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa wareegtada ku caddeeyay in adeegsiga aSoomaaliga loo isticmaalayo qoraalada xafiisyada, boorarka Shirkaddaha iyo farriimaha la gudbinayo , iyadoona amarkaas uu ku socdo Wasaaraddaha Hay’addaha kala iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo kuwa degmooyinka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. “amar ka dhan ah af soomaaliga” ma aha, ee waa “amar ka dhan ah luqadaha qalaad”. amarkani wuxuu garab siiyey afsoomaaliga.