Booliiska Puntland oo ka hortagaya Shaqaaqooyinka Haweenka ay la kulmaan Xiliga Doorashada

Published: June 23, 2021

Talyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa ka qayb galay dood ku saabsan shaqaaqooyinka iyo Tacadiyada ka dhanka ah haweenka xiliga Doorashada, taas oo ka qab soontay xarunta Hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC.

Ka qayb galayaasha oo isugu jiray xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlada iyo Xubno ka kala socday Hay’ado madax banaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in had iyo jeer laga feejignaado shaqaaqooyinka iyo Tacadiyada ka dhanka ah Dumarka xilliga Doorashada dhacaya iyaga oo soo jeediyay sida ugu madan ee looga taxadari karo arimahaas.

Jeneraal Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) Talyaha Ciidamada Booliska Puntland oo madasha hadal ka jeediyay ayaa si adag uga hadlay habka ay Booliska uga Hortagaan Shaqaaqooyinka iyo Tacadiyada ka dhanka ah Dumarka xiliga Doorashada

Taliye Cabdi Yare ayaa sheegay in Gabar kasta oo kamida Kuwa ka qayb galaya Doorashada ay u diyaariyeen koox Gabdho Booliska Puntland kamid ah kuwaasoo had iyo jeer la xalinaya Caqabad kasta oo dhanka amniga ka soo wajahda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *