Ciidanka PMPF Oo Qabtay Markab Sharci Darro Uga Kaluumaysanyey Xeebaha Puntland – VIDEO

Published: June 23, 2021

Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari ku qabtay Markab si sharci darro ah uga kalluumaysanaysey xeebaha Puntland.

Xidigle Maxamed Axmed Cafiish oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa sheegay in xogta Markabkan kalluumaysi ay heleen ugu dambeyna ku soo qabteen si nabdoon, isagoo ka kalluumaysanaya meel aan sidaasi uga sii fogayn khooriga Degmada Qandala ee gobalka Bari.

Shaqaalaha saaran ayuu ku sheegay inay yihiin 10 qof oo isugu jiray Kabtankii Markabka Engineer kii iyo 8 Badmaax wuxuuna intaasi ku daray inay hubiyeen Sharciyadoodii kalluumaysi ayna ogaaden in aysan wadan wax sharciyad kalluumaysi ah .

Ciidamada Badda Puntland ayaa sidaani oo kale horaantii Bishii sadexaad ee sanadkaani soo qabtay 10 doonyood iyo shaqaalihii la socday, kuwaasi oo laga lahaa dalka Yemen, isla markaana si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha bari ee Puntland.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *