Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga

Published: June 23, 2021

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga uga qeybgalay kulan casuumaad ah oo ganacsatada iyo jaaliyada Magaaladaas ay u sameeyeen.

Madaxweynaha oo kulankaan uu ku wehliyay Cabdulqaadir Caraboow Ibraahim, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa iska Xog wareystay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan tan Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Stanbul uga mahadceliyay casuumaada iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen isagoo u sheegay faa’iidada muhiimada ay leedahay inay maalgashtaan Dalkooda si gaar ahna u la wadaagay fursadaha Maalgashi iyo tan ganacsi ee ka banaan Hirshabeelle.

Ganacsatada kulankaan Casuumaada ah u sameeyay Madaxweynaha ayaa dhankoooda balanqaaday inay  booqan doonaan Deegaanada iyo Degmooyinka Hirshabeelle si ay u maalgashtaan deegaanadaas  barwaaqada ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *