Madaxweyne Qoor-qoor Oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Galmudug

Published: June 24, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyey Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka, ayaa todobaadkan looga dooday dib-u-eegista xeer hoosaadka Golaha Wasiiradda Galmudug.

Dhinaca kale, wasaaradda Biyaha & Tamarta ayaa golaha la wadaagtay xeerka maareynta biyaha halka wasaaradda Beeraha laga dhageystay warbixin la xiriirta dhibaatooyinka uu ayuxu ku hayo deegaanada Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *