Golaha Wadatashiga Qaran oo shaaciyay Jadwalka Doorashada

Published: June 29, 2021

Golaha Wadatashi ee Doorashada Soomaaliya oo maalintii labaad uu shir uga socdo magaalada Muqdisho ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada.

Golaha ayaa mudeeyay xiliga la guda galayo howlaha doorashooyinka waxaana ay iclaamiyeen in doorashada Senerada Aqalka Sare la qabto 23 bisha soo socota ee July iyadoo sidoo kalena Doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka mudeeyay in la qabto 10 August iyo 10 September ee sanadkan.

Golaha ayaa ugu dambeyn shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha la qabanayo 10 October iyadoo mudeyntaas oo dhan ay ka horeeyaan howlaha lagama maarmaanku ah hirgelinta doorashada sida tababarka Gudiyada Doorashada iyo miisaaniyadda iyo howlaha farsamo ee Doorashada.

Dhinaca kalena Golaha Wadatashiga Qaran oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, ayaa isku raacay in 50% la dhimo lacagaha diiwaangelinta laga qaado haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashada

  1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Guddiyada Doorashadda (30 June – 05 July 2021)
  2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)
  3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada (23 July 2021)
  4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)
  5. Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)
  6. Dhaarinta Xildhibaannada iyo Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)
  7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *