Kismaayo: Soo Dhowaynta Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah Maamul Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani iyo wafdi uu hogaaminayay.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku joogi doona Jubaland iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda Dowlada Jubaland iyo Bulshada.

Masuuliyiinta ayaa inta booqashadan ay socoto kulamo ka yeelan doona xaalada dalka iyo iskaashiga labada dhinac.

Horseed Media