Khasaare kala duwan oo ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Published: July 2, 2021

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ismiidaamin ah oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay goob lagu qaxeeyo oo ku taala magaalada Muqdisho.

Ilaa Inta la wariyay dad ka badan toban ruux oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ayaa ku dhintey qaraxan oo ka dhacay maqaaxi ku taal meel ku dhow isgoyska Jubba isla markaana uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha Qarxa.

Waxaa jira dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay Cisbitaalada Muqdisho kuwaasoo ay waxyeelo kasoo gaareen qaraxan.

Goobta lala beegsaday Qaraxa ayaa ah Maqaaxi saxmad badan oo ay bulshadu ay ku qaxyeewaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *