Qoor-qoor Oo Gaaray Gaalkacyo

Published: July 2, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Maamulka Degmada iyo saraakiisha amniga ee Gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaana inta uu ku sugan yahay madaxweynuhu uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee ku nool Gaalkacyo,waxaana socdaalka ku wehelioya mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Muqdisho kaga qeyb galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo ka soo baxay natiijo wax ku ool ah, kadib markii laga soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Dalka.

Socdaalka Qoorqoor ee Gaalkacyo ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Gobolkaasi ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya Al-shabaab iyo dadka deganka, waxaana ka dhashay khasaaro xooggan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *