Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta

Published: July 3, 2021

Ra’isul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha unaxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Cabduqaadir Cali Diiriye oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Saraakiisha ciidanka Alsuubta iyo ehelka & Qoyska Marxuumka, waxaana uu sidoo kale sheegay in Generaalku uu ahaa rug cadaa waayo arrag ah oo dalka iyo dadka waxbadan usoo qabtay.

“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh, Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Cabdulqaadir Cali Diiriye (Suuxaanyo) ayaa Rabi ha u naxariistee saakay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *