Baarlamaanka Puntland Oo Wax Ka Bedel Ku Sameeyey Xeer Hoosaadka Golaha

Published: July 4, 2021

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ku yeeshay kulankii 9-aad ee kal-fadhiga 48-aad ee golaha wakiilada.

Ajendaha kulanka xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa u Codeynta wax ka bedel lagu sameeynayo xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Puntland, waxaana kulankaas shir guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa wax ka bedel ku sameeyey xeer-hoosaadka Golaha, iyagoona u codeeyey in Guddoonka Baarlamanka iyo Xildhibaannada ay xasaanadda xildhibaannimo ku waayi karaan oo kaliya 44 Cod.

38 Xildhibaan ayaa ogolaaday in wax ka bedel lagu sameeyey xeer-hoosaadka Golaha, halka 10 Mudane ay diideen, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan, iyadoona Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ku dhawaaqday natiijada Codeynta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *