Guddiga Doorashooyinka dadban oo maanta dooranaya Guddoon rasmi ah

Published: July 4, 2021

Gudiga Doorashooyinka Qaran ayaa la filayaa in ay maanta doortaan gudoomiyaha iyo kuxigeenka rasmiga ah ee Guddiga kaasoo ah guddiga Qaran ee hagaya doorashada Xildhibaanada.

Gudoonkan la dooranayo maanta ayaa qorshe maalmeedkiisu yahay maareynta Howsha qaran ee diyaarinta & Hirgelinta doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Guddiga Muuse Geelle Faroole ayaa maalmo ka hor shaaciyay in 4 July oo maanta ku beegan ay qabanayaan Doorashada si loo dardargeliyo shaqooyinka Guddiga.

Jadwalka Doorashada guud ee dalka oo horey loo shaaciyay ayaa la filayaa in lagu qabto wakhtigii loogu talagalay waxaana Gudiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowladgoboleed ay sii wadi doonaan howlaha loo igmaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *