Maxamed Xasan Cirro oo loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

Published: July 4, 2021

Maxamed Xasan Ciro oo horay u ahaa Gudoomiyaha guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka ayaa loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Dadban kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Doorashada Gudoomiyaha oo ahayd mid adag ayaa waxaa ku tartamayay Liibaan Maxamed Xasan iyo Maxamed Xasan Cirro waxaana wareegga labaad codad gaaraya 14 ku guuleystay Maxamed Xasan Cirro.

Musharaxa kale ee la tartamayay Liibaan Maxamed Xasan ayaa helay 10 cod.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *