Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo magacawday Gudi ka shaqeeya Horumarinta Afka Soomaaliga

Published: July 4, 2021
Shares24

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacawday Guddi ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa Afka Soomaaliga.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Cabdullahi Carab kuwaa ayaa lagu sheegay in Gudiggan oo ah mid kumeel gaar ah uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka heysta Afka Soomaaliga iyo horumarinta Akadeemiyad Goboleedka Af-Soomaaliga.

Hoos ka akhriso Wareegtada Magacaabista Guddiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *