Baarlamaanka Galmudug Oo La Horgeeyey Sharciga Shirkadaha Ganacsiga

Published: July 5, 2021

Sharciga Shirkadaha Ganacsiga Galmudug ayaa maanta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug waxa ay horgeysay baarlamaanka si loo meel mariyo, waxa uuna maanta maray Akhrinta 1aad si markii xildhibaanadu wax ka badalay iyo wax ku daris ku sameeyaan loo ansaxiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo kulanka furay ayaa Xildhibaannada hor dhigay ajandayaasha maanta ee uu ka mid yahay sharciga Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha soo gudbisay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Sakariye Xasan Yalaxow ayaa sheegay in xeerkaan oo soo maray marxalado kala duwan, hadana uu Baarlamaanka hor yaalo uuna ka codsanayo in Wasaarada loo ansaxiyo si loogu howlgalo.

Shirkadaha Ganacsi ee Galmudug ka howlgala ayaa ah kuwo wada shaqayn la leh Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug, sharcigaan ayaana ah kan lagu howlgali doono marka uu Baarlamaanka meelmariyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *