Guddiga Doorashooyinka Heer Puntland Oo Doortay Guddoomiye Iyo Ku-xigeen

Published: July 6, 2021

Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, iyagoona doortay Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenkiisa ee maamulaya doorashada Baarlamaanka Federaalka ee Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Cabdixakiin Muuse Maxamed oo helay codad gaaraya 11 Cod, mana jirin Musharax kale oo la tartamay, isagoo sidaas noqday Guddoomiyaha Guddigaas.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Puntland ayaa waxaa loo doortay Caynaanshe Yuusuf Maxamed oo helay 11 Cod, mana jirin isla Musharax la tartamay, waxaana labada Guddoomiye doortay 11-ka xubnood ee Guddiga.

Guddigaan ayaa maamulaya doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhacaya Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Shalay ayey aheyd markii Guddiyada doorashooyinka maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay doorteen Guddoomiyeyaasha Guddiyada iyo ku-xigeenadooda, kadib kulamo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *