Taliska Asluubta Puntland Oo Ka Hadlay Maxbuus Ka Baxsaday Xabsiga Qardho

Published: July 6, 2021

Taliska Asluubta Puntland ayaa ka hadlay maxbuus Arbacadii lasoo dhaafay ee 30kii bishii 6aad 2021 ka baxsaday Xabsiga weyn ee magaalada Qardho, kaasi oo horey lagu xukumay dil toogasho.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland, Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maxbuuska uu xanuunsaday kadibna xabsiga looga soo kaxeeyey si loo geeyo xarumaha caafimaad, nasiib darrose uu baxsaday.

Wuxuu intaasi raaciyey in saraakiishii kaxaysay maxbuuska ay la garab mareen cisbitaalkii lagu amray inay kusoo daaweeyaan, isla markaana ay afka uga galeen ciidan hubaysan oo u diyaarsanaa, sidaasina uu ku baxsaday.

Afhayeenka ciidanka Asluubta ayaa sheegay inay dhici karto in qaar kamid ah ciidanka ilaalada ahaa ay gacan saar leeyihiin kooxdaas maleeshiyada ahayd, waxaana la xiray saraakiishii loo xilsaaray maxbuuska, marka laga reebo hal sarkaal oo gacanta lagu haynin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *