Raysal Wasaare Rooble Oo Gaaray Kismaayo

Published: July 7, 2021

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay caasimada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa gegida diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle ee Kismaayo waxaa kusoo dhoweeyey madaxda Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

War kasoo baxay xafiiska raysal wasaaha ayaa lagu inuu safarkiisu daaran yahay xoojinta dadaalada doorashooyinka dalka ka dhacaya, gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira Gobolka Gedo.

Rooble ayaa intuu ku sugan yahay waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *