Puntland Oo Saanad Ciidan Ku Wareejisay Galmudug

Published: July 8, 2021

Dowlada Puntland ayaa maanta ku wareejisay Galmudug taakulo isugu jirta saanad ciidan iyo raashin, taas oo ay sheegtay in lagula dagaalami doono kooxaha argagaxisada.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur oo deeqdan ku wareejiyey maamulka degmada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug ayaa sheegay in taakulada dowladda Puntland uga qayb qaadanayso la dagaalkanka argagixisada ee ay ciidamada xooga dalka iyo ciidamada Galmudug ka wadaan deeganada Bacaadwayne iyo Wisil.

” Anagoo ka wakiil ah dowladda Puntland waxaa taakulo isugu jirta Shidaal iyo Raashin ku wareejinay dowladda Galmudug oo uu wakiil ka yahay duqa degmada Gaalkacyo Galmudug, kuwaas oo aan uga qayb qaadanayno la dagaalanka argagixisada deegaanada Wasil iyo Bacaadwayne, waxay bilow u tahay taakulooyin kuwaan kasii waawayn oo aan aanu lagarab taagan nahay waalalahayo Galmudug “

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur

Munaasibada wareejinta ayaa waxaa goobjoog ahaa gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug, duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland, duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug, taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale.

Puntland iyo Galmudug ayaa horey u gaaray heshiis iskaashi ah oo ay ku dagaalamayaan kooxaha argagaxisada ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *