RW Rooble Oo Kormeeray Taliska Qeybta 43aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka

Published: July 8, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka ku tagey Taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgallada ay ku beegsanayaan Al-shabaab.

Raysal Wasaaraha ayaa bogaadiyay Howlagalada iyo difaaca ay kaga jiraan dehaanadaasi, waxaana sidoo kale uu sheegay in si gaar ah ay uga jwaabi doonaan baahiyaha Ciidanku qabaan, iyo sidoo kale agabyada ay u baahan yihiin.

“ Waxaan maanta booqday Taliska qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Geesiyaasha way ku mahadsanyihiin sida nafhurnimada leh ee ay ugu heellanyihiin difaaca dalka iyo dadka. Waxaa naga go’an in aan ka jawaabno baahiyaha ciidankeenna ee agab, tababar iyo taageero walba ee ay u baahan yihiin”.

RW Rooble

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dar daarmay ciidanka inay dar dargeliyaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee guud ahaan dalka looga ciribtirayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *