Guddiga Dabagalka Mashaariicda Hirshabeelle Oo La Kulmay Hay’adaha Maamulkaasi

Published: July 9, 2021

Guddiga Dabagalka Mashaariicda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee heerka Wasiiro oo uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay Hey’adaha kale duwan ee ka howlgala deegaannada Hirshabeelle, isla markaana mashaariicda ka wada Deegaanada Maamulkaas.

Shirkani oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Dabagalka Mashaariicda ahna Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Xiriirka Caalimiga ah Hirshabeelle Saadaq Salaad Warsame, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Maxamuud Cabdulle Maxamed Dheere, Wasiirka Ganacasiga Yaxye Ismaaciil, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdiweli Sheekh Cali, Wasiirka Batroolka, Maxamuud Wabar Xasan, oo dhamaantood ka tirsan Guddiga Mashaariicda Hirshabelle, Maamulka Heer Gobol iyo heer Degmo.

Kulanka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay Mas’uuliyiintii ka socday hey’adaha, kuwaa oo ka warbixiyay howlaha ay ka qabtaan dhamaan Deegaannada Hirshabeelle, mashaariicda hadda socota iyo qorshayaasha ay ka leeyihiin dar dargalinta Mashaariicda Horumarinta ah iyo tan gar gaarka.

Guddiga ayaa hey’adaha kala hadlay muhiimadda ay leedahay mashaariicda ay fulinayaan in ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanka, isla markaana ay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Hey’adaha ay ka wada shaqeeyaan dar dargalinta mashaariicaha kale duwan oo ay Hirshabeelle u baahantahay.

Guddigani ayaa tan iyo markii la magacaabay ku howlanaa dabagalka mashaariicda Hirshabeelle ay ka fuliyaan hay’adaha, iyagoo sidaan oo kale kulamo kula yeeshay magaalada Muqdisho Hey’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Xalane, waxaana sidoo kale meel wanaagsan maraya Fulinta Mashruuca Biyo xireenka Beledweyne oo ay maalgalineyso Dowladda Talyaaniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *