Raysal Wasaaha Soomaaliya Oo La Kulmay Hogaanka Taliska Labaad Ee AMISOM

Published: July 9, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Taliska Ciidamada AMISOM ee loo yaqaan Sector 2.

Kulanka oo ahaa mid saacado qaaatay ayaa waxaa dhinacyadu ay kaga wada hadleen arrimo ku aaddan ammaanka guud ee Jubbaland, waxaana sidoo kale qayb ka ahaa Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xilgaarsiinta.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu faaqiday sugida amniga doorashooyinka iyo howlgalada, iskaashiga ciidamada qalabka sida, waxaana Mas’uuliyiintu ay diiradda saareen sidii dhinacyada amnigu quseeyo ay isku kaashan lahaayeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *