Garoonka Kubadda Cagta Bosaaso oo dib u dhis lagu sameynayo

Published: July 10, 2021

Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Boosaaso oo muddo uu ka muuqday burbur iyo dayac xooggan ayaa maanta la shaaciyay dib u dhis lagu sameyn doono.

Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Maamulka Gobolka Bari iyo Kan degmada Boosaaso ayaa siwadajir ah u dhagax dhigay Dib u dhiska Garoonka.

Munaasabad lagu dhagax dhigayay Garoonka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Faarax Jaamac Muuse, Gudoomiyaha Gobolk Bari Cabdisamad Yuusuf iyo Duqa degmada Boosaaso Cabdiqani axmed Deerodile.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Garoonka ayaan la shaacin hase ahaate waxaa la sheegay uu lagu dhisi doono hab iskutashi ah ‘qeyb kamid ah dhaqaalaha waxaa bixin doonta dowladda halka qeybaha kalena laga ururin doono ganacsatada iyo bulshada Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *