Guddiga Doorashada Xildhibaanada Somaliland oo doortay Gudoomiye cusub

Published: July 10, 2021

Guddiga Doorashada xildhibaannada Somaliland ayaa maanta doortay Gudoomiye iyo Kuxigeen cusub kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa Guddoomiye u doortay Khadar Xariir Xuseen halka ay kuxigeenna u doorteen Najiib Xuseen Samaale sida lagu sheegey war ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee Soomaaliya.

Doorashadan ayaa waxaan ka qayb gelin garabka taabacsan Guddoomiyaha Aqalka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ,Guddiga is doortay ayaa dhamaantood ah Xubnihii uu soo gudbiyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *