Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Garbahaarey

Published: July 10, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad gobaleedka Jubaland, halkaas oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashooyin, madaama magaalooyinka Kismaayo iyo Garbaharey ay yihiin labo magaalo oo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ee ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment